C/Laahi Suldaan Tima-Cade: DUGSI MA LEH QABYAALADI Gabay Qoraal


Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee
Cabdillaahi Suldaan Timacade.

Abwaanku wuxuu gabaygan si murugo leh kaga
hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay ka hadhina aanay aayo lahayn. Soomaaliyi inay
ka hadhaan daaye waa bay sii badsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegaybaana dhacday baaba’ iyo hoog! Wuxuu yidhi:

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede.

Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye.

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darran doorriyuu duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye.

Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade.

Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye.

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye.

Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye.
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso.

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa ways kala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye.

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii
naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Sent from my BlackBerry®

Advertisements

Fadlan ka fiirso waxa aad qoreeyso. Halka tan lama ogola wax caay, dacaayad ama ereyo dhibaaya qof kale. Fadlan si masuulnimo ah u dhiibo fikirkaaga.

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s