Heestii Ka Buldhe Codadka Saalax Qasim iyo Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura) Qoraal


Heesta oo dhahgaysi ah waxaad ka heli kartaa hoos
http://www.heesta.com/hees.php?id=274

Saalax Qasim:

Kol baan is-idhaa kuf oo kac bal kow dheh
Kadalida aaminaayee bal kow dheh

Intaan kada loobsadaa baan hadana kamba-dhuudh sadaayee ii kaalay

Jacaylkii aan kabaday baa
Kasheyda igu fadhiistee
Intaa igu sii kordhaayee kil-kilis buu igu hayaayee
Anigu karka iyo xanuunka kuleeyl baa iga baxaayee

Adaa kohashada bilaabee ma haysaa kaalintaadee

Hibo Nuura:

Kaaf iyo kala dheeri weeye bal kaadso
Aniga ha I kololo leeynine adiga kula keeni maayee ka bul dheh

Hadaad kaligaa is-moodey inaad kalgacayl abuurto
Rag baa kaa sii koreeyee
Jacaylkaagii kaxeeyso
Aniga ii keeni meeysidee cid kale kuhashada la doono

Adaa kama’ee ka fiirso kufkaa orodoo la doono

Saalax Qasim:

Kol baan keeno owr sudhaaye bal kow dheh
Dameero kabaaliyaaye bal kow dheh

Intaan kaadso is-idhaah baan kar-karo ka duulayaaye bal kaalay

Intaan caashaqa kabaayay
Kordhinta xiisaha ku jeeday
Wanaagaaga uun kasbaayay samaha kool-koolinaayay
Yabkii igu kali ahayd ee
Ma kurbaad ii sahadineeysay

Adaa kohashada bilaabee ma haysaa kaalintaadee

Hibo Nuura:

Karaamo qofkeed ma seegtee bal kaadso
Kaneeco shinidu ka weeynee bal kaadso

Ayaxan kugu koron koreeyay korkaagaan ka arkaayee ka bul dheh

Karaankeey hadaan ku diido
Karhayoba aragtidaada
Adoo kululoo karaaya aniga ha I kaba-kabaynee kuma arkey kuma aqaanee Caashaqa kaligaa la koowso

Adaa kama’ee ka fiirso kufkaa orodoo la doono

Sent from my BlackBerry®

Advertisements

Fadlan ka fiirso waxa aad qoreeyso. Halka tan lama ogola wax caay, dacaayad ama ereyo dhibaaya qof kale. Fadlan si masuulnimo ah u dhiibo fikirkaaga.

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s