Falaan-qeeynta Filimaanta


Falaan-qeeynta Filimaanta

Waan wada naqaana waxa ‘filim’ yahay – Filim waa sheeko daawasho ah oo wakhti kooban soconeeysa lagana jiley taariikh ama dhacdo run ama khiyaali ah oo ku saabsan qof, dad, wadan IWM. Taas oo lagu soo koobay saacado dhowr ah gudahood looguna talo galay madadaalo ama wax-barsho.

Filimka qisadiisa oo ugu yaraan socota dhowr daqiiqo (short films ama filimaanta gaaban) ilaa dhowr saacadood (Normal films ama filimaanta caadiga ah) ayaa u dhiganta sheeko sanado badan ama qarniyo ah.

Dunidan aan maanta ku nool nahay waxa jiro shirkado ama shaqsiyaad badan oo filimaanta sameeya haba kala qiimo iyo qaayo sareeyaanee. Kuwa ugu caansan eed taqaano waxaa ka mid ah dallada weeyn ee Hollywood oo Maraykanka laga leeyahay, dallada weeyn ee Bollywood ee Hindiya, iyo Nollywood oo ah shirkada ugu filim soo saarista badan dunida oo laga leeyahay wadanka Nigeria.

Sida runta ah, shirkadaha Mareeykanka ee la isku yidhaahdo Hollywood waxay soo saaraan qaar ka mid ah filimaanta ugu qaalisan dunida sidoo kale ugu tayada sareeya.
Filimaanta qaar sameeyntooda waxa ku baxa lacag aad u badan – qaarkood $200 miylan ayaa lagu sameeyaa.

Aad ayay u kala duwantahay kharashka lagu sameeyo filim iyo kan uu soo saaro. Markaan ka hadleeyno kharashka lagu sameeyay, tobanka filim ee ugu qaalisan dunida waxa ka mid ah:
The Pirates of the Caribbean – At World’s End (2006) iyo qeebtiisa kale ee Dead Man’s Chest (2007) ayaa si wada jir ah loogu sameeyay lacag dhan $525 milyan taas oo ka dhigeeysa filimaanta kharshka ugu qaalisan lagu sameeyay, labadaas filim waxay soo saareen lacag ku dhow $2 bilyan.

King Kong (2005) ayaa ku jira tobanka ugu kharashka badan asaga ooy ku baxday $207 milyan, isla markaana soo saaray lacag dhan $550 milyan.

Dhinaca kale, markaan fiirino filimaanta soo saaray lacagta ugu badan ee aadka looga macaashay waxaa ka mid ah:
Avatar (2009) ayaa wuxu yahay filimka kali ah ee ugu qaalisan dunida asago lagu sameeyay $237 milyan isla markaana soo saaray $2.7 bilyan oo dollarka Maraynkanka.
Waa macaash toban-laab ah.
Sidoo kale, filimka Titanic (1997) ayaa lagu tilmaama inuu ku jiro kaalinta 2aad ee filimaanta ugu macaashka badan dunida. Waxa lagu sameeyay $200 milyan waxaana lagu iibiyey lacag dhan $2.2 bilyan taas oo ka badan toban-jeer-laab macaash ah.

Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro, waxa dhamaantood wadaagaan in wakhtiga ugu badan ee filimku ku xidhnaado hal qof (leading actor). Qofkaasi waa kan oogu mishaharka badan dhamaan jillayaasha filimka, waana qofka oogu shaqada badan wakhtiga la sameeynayo filimka.
Dhinaca kale waxa mishahar badan qaata jiheeyaha (director) oo ah ninka hoowsha dhan kala wada ee qof kasta u sheegaya kaalinta uu kaga jiro filimka.

Advertisements

Fadlan ka fiirso waxa aad qoreeyso. Halka tan lama ogola wax caay, dacaayad ama ereyo dhibaaya qof kale. Fadlan si masuulnimo ah u dhiibo fikirkaaga.

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s