Saalax Qasim:
Kol baan is-idhaa kuf oo kac bal kow dheh
Kadaa la iga aaminaayee bal kow dheh
Intaan kadaloobsadaa baan hadana kambadhuudhsadaayee ii kaalay
Jacaylkii aan kabaday baa
Kashida igu fadhiistee
Intaa igu sii kordhaayee kil-kilis buu igu hayaayee
Aniga karka iyo xanuunka kuleeyl baa iga baxaayee
Adaa kohashada bilaabee ma haysaa kaalintaadee
Hibo Nuura:
Kaaf iyo kala dheeri weeye bal kaadso
Aniga ha I kala-luleeynine adiga kula keeni maayee ka bul dheh
Hadaad kaligaa is-moodey inaad kalgacayl abuurto
Rag baa kaa sii koreeyee
Jacaylkaagii kaxeeyso
Aniga ii keeni meeysidee cid kale kuhashada la doono
Adaa kama’ee ka fiirso kunkaa orodoo la doono
Saalax Qasim:
Mar baan kabbad owr sudhaaye bal kow dheh
Dameero kabaaliyaaye bal kow dheh
Intaan kaadso is-idhaah baan kar-karo ka tuurayaaye bal kaalay
Intaan caashaqa kabaayay
Kordhinta xiisaha ku jeeday
Wanaagaaguun kasbaayay samaha kool-koolinaayay yartii igu kali ahayd ee Kolmaad I sahadineeysay
Adaa kohashada bilaabee ma haysaa kaalintaadee
Hibo Nuura:
Karaamo qofkeed ma seegtee bal kaadso
Kaneeco shinidu ka weeynee bal kaadso
Ayaxan kugu koron koreeyay korkaagaan ka arkaayee ka bul dheh
Karaankeey hadaan ku diido
Karhayoba aragtidaada
Adoo kululoo karaaya aniga ha I kaba-kabaynee kuma arkey kuma aqaanee Caashaqa kaligaa la koowso
Adaa kama’ee ka fiirso kunkaa orodoo la doono
Fiiro gaar ah: waxa qoray heesta qof aan khabiir ahayn waxaa laga yaabaa inaad aragto khaladaad. Fadlan noo soo gudbi hadii aad aragto khalad. Sent from my BlackBerry®
wah wah wadka baxsatay yaa salaam
Waba heesta kaliya hibo nuura ka baxsatay salax asaaba qatar wada ahi
lkn ayaxa kora koreyee korkadan ka arkayaye ka buldheh
kuma tahay kuma aqaanee waye intaas aya qaldan
title=”Soo dhawo”
Ku soo dhawow bloga [https://ismail4all.wordpress.com Ismail Suge blog] waxaan ahay wiil Soomaaliyeed iyo maamulaha websitekan ee baashaal sxb.
Fadlan ha ku mashquulin dadka
Pingback: Hida dhawrta hablaha Somaliyeed Hibo Nuur cudoon Nuura oo fanka isaga baxday | DalkaNews.Net -Warar sugan
Pingback: Taariikhda Fanaanada Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige | shabakada